Heesta Siman - Lyrics
Tay naftu doontee
Dawadii laabtiyo
Qalbiga dajisaay
Horyaalkii dumarkiyo
Dugsigii noloshaay
Dunida idilkeed
Midaan ka doortaay
Simaneey adoo iga maqan
Dal dheer dhuriyo habeen
Beerkiyo dabnaha ku dubaaxiyoo
Ku dareemayee adi daraadaa
Daryeelka waalidkiyo
Edeb iyo xishood
Tii loo xantoobshaay
Marwo diintiyo ku adag
Dadku wada amaanee
Loo wada duceeyaay
Simaneey adoo iga maqan
Dal dheer duhuriyo habeen
Beerkiyo dabnaha ku dubaaxiyoo
Ku dareemayee adi daraadaa