Heesta Barwaaqo - Lyrics
barwaaqooy aduunyada inta dumar ku guud nool
adigaan ku doortoo idilkood haweenkaba kali
kaa astaystee
nolol aaya tii wacan inan kula wadaagoo
ubad daadahaynaan ifka ugu jeclehee
ha ilaawin weedhaha ereyada muhiimka a
uurkaaga galiyoo ha il duufin caashaqa
waligaa ogsoonoow
qurux aynigeedaba inantii u sidataay
aqoontiyo asluubtiyo anshaxaaga wacanbaan
ashqaraaray aniguye
aqal inan dhisnaayoo arooskeenu dhaca oo
ooridayda noqotaan allaheen ka tuugaa