Heesta Hodan - Lyrics
hada iyo habeenkii
hadal barashadeenii
helistaada mooyee
hawl kale kumaan maqnayn
hubaal weeyi maantana
inaan heeg ugu jiro
hawlaha kalgacalkiyo
hoy wada galkeenee
hoodiyo nasiibiyo
dar ALLAN deegsaday
hodaneey amuuruhu
inay noo hagaagaan
nafta kuu hibeeyoo
hoygaad ku dhalataan
hido raacayaaye
ha igu nicin hanti la'aan
murti lagu hantaa jira
haasaweheenuna
murti weeyi dhaxal gala
hadalkaaga madashuna
waa horaabo fiican
hawraarsan kuu idhi
kuuguna hanwaynahay
ma hungoobo jacaylka
waan haya wali hareerah
kay laba u heelani
hagayaan sideena
mar wada hirgaliyaan