daganida socodkiyo
midabkeeda dahabiga
daruur hilaacdiyo
sida dayax iftiimaay

doog soo cagaartiyo
ubuxoo dilaacee

duhurkaan is baranaad
maankayga deeqdee
dagdag qalbigaygi

hadaad calool dabacdiyo
diir naxa aad leedahay
waan kuu dan sheegtee
ha igu diidin caashaqa

damqashada jidhkaygiyo
dareenkii naftsaydaay
dumar taan ka soocdee
dookhaygu raacaay

nabad lagu dakeeyiyo
farxad iyo dmaashaad
inantaan darteed
anfacada u diidee
awgeed u dayoobaay

Exit mobile version