Heesta Saciida - Lyrics
Samir iyo dulqaadiyo
Qurux aan salguureyn
Ayaa kuu sugnaatoo
Saadir kugu maneystee
Samankaan hablaha kacay
Cidaan kugu sifeeyiyo
Simaneey qof kula mid ah
Soomaali Soomaali
Soomaali kumaan arak
Quruxdii suleeqaa
Sanji raacday muuqoo
Suradaada oo qura
Ayaa soodhaweyn iyo
Nafta nafta nafta
Nafta sooryo ugu filan
Sirta noloshu ma'ogtahay
Waa guur samaadiyoo
Naftu teey sawiratoo
Samar aan wadaagnee
Mar hadaan siciidaay
Ka salgaarnay caashaqa
Sabad aayatiin leh iyo
Saadaashu, sadaashu
Saadaashu waa guur
Quruxdii suleeqaa
Sanji raacday muuqoo
Suradaada oo qura
Ayaa soodhaweyn iyo
Nafta nafta nafta
Nafta sooryo kugu filan