Samiiraay sidaan qabo
Ruux aan kula simaa
Ma dul saarna ciidoo
Dumar waad u sidataa

Sadka quruxi leedahay
Alaa kugu sar gooyoo
Sifahaaguu
Sifahaaguu waa edebee

Samir iyo dulqaad
Ana saluugoo
Sal fudayd umaad dhalan
Sal fudayd umaad dhalan

Inaan sahashadoon
Sayriyaa jacayl
Suuroobi maysee
Adiguna samiiraay
Ha badelin sidaa tahay
Adiguna samiiraay
Ha badelin sidaa tahay

Samiiraay hadaad
Jacayl loo sinayn
Salka meel ma dhigayoo
Dhibta seegi maayee

Inta aan ku suganahay
Saba durugsanoo dheh
Axdigii maa
Axdigii ma sii deyn

Samir iyo dulqaad
Ana saluugoo
Sal fudayd umaad dhalan
Sal fudayd umaad dhalan

Inaan sahashadoon
Sayriyaa jacayl
Suuroobi maysee
Adiguna samiiraay
Ha badelin sidaa tahay
Adiguna samiiraay
Ha badelin sidaa tahay

Exit mobile version