Heesta Idhibay hadalkii - Lyrics
Jaceel dhab ahaan
Intaan dhayal moday
Intuu dhinacayga
Udhow yahay haatan
Aan dhiiriyo dookh
Ma dhowran karayee
X2
Dhigaaga haween
Ee kunool dhulka
Hooyo midaan kula
Dhigo amaan kugu
Dharsho ma'ay dhalan
Oo dhabar hooyo ma
Qaadin X2
Dhoolay maankaa
Is dhalan rogayoo
Halkaad ka dhawayd
Ka dheeraatoo idhibay
Hadalkii idhayi jirayee
X2
Dhaaxaan islahaa
Armaad dhibsataa
Jacaylkani dhiiran
Dhoolka da'aaya
Dawada lagu sheegay
Kasoo dhurataanay
X2
Dhibtiisa haweenka
Dhawaaqiyo yeedhmo
Dhagoolka sidiisa
Hareerta ku dhaafay
Dhaawaca qalbigayga
Dhibtiisa lahaydee
X2
Dhoolay maankaa
Is dhalan rogayoo
Halkaad ka dhawayd
Ka dheeraatoo idhibay
Hadalkii idhayi jirayee
X2