VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ma ii baaqday - Lyrics

Ma ogtahay biyo iyo oon Baahida kalgacalka Baryahayga goysoo Ana barashadaadii Bildhaan araga guudnimo Baalna uma dhaafine Waxaad tahay bogaygiyo Beerkiyo wadnahaan Nacab uga baqaaye Inanyahaw badiyo wabi Adigoon dabaal baran Loomaba badheedhee Baahida kalgaclkuna Taasay la baabtoo Dadka laguma biiree Ma i baaqday sida beel Baad iyo xareediyo Loo helay barwaaqoo Maxaan kaaga baaqda Ama kaaga baydhaa Sow la iima kaa badin Inanyahay nin bayrlihi Runta lama badheedhoo Bogan waa dantiisii Ana sida ban joog cawl Ciirsi la' banaanada Kaligay ka baaqaa Waxaad tahay bogaygiyo Beerkiyo wadnahaan Nacab uga baqaaye Inanyahaw basari iyo Doqonbaa nin beegsaday Bar xun kaga dhaqaaqdee Ha ka baqan badhaadhiyo Miduunbaa ka soo bixi Barashada qasaartee Ma ii baaqday sida beel Baadiyo xareediyo Loo helay barwaaqoo Maxaan kaaga baydhaa Ama kaaga baaqdaa Sow la iima kaa badin
Queue is empty
-- / --