VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Togdheer - Lyrics

bilic iyo hanaanleey burji iyo dulqaadleey baxsan weeye dumaroo xidigaha ka baal shidan biya dahab la moodyey inta baarka fidhatiyo hablaha adaa bilaa baarliineey u nuur badan bureeqadii togdheeriyo ilayskii burceedeey baarliineey aduunyada adigaa badhkeed shida bil iftiinka bixisaay bilis xaawalay baad tahay boqoradoodoo boqol dhaan ayaa tahay baari hooyo wacan baa boqraneey ku korisoo baarkaa dusheediyo kugu qaaday baashee bureeqadii togdheeriyo ilayskii burceedeey baarliineey aduunyada adigaa badhkeed shida
Queue is empty
-- / --