VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wacad cover - Lyrics

Ogabay jaleecada
Indhahaaga buuxshee
Waa ubax jacaylkuba
Eegmada qiyaastiyo

Ma abaado ma idlaado
Lagamana adkeestee

Dadna ruux ku aaminayiyo
Wacad ilaahay

Midna lama ilaawee
Midna lama ilaawee
Ha halayn aayaha

Orad iyo ayaanbaa
Aadmiga isdhaafee
Hadaa tahay aqoonyahan
Anna ku anbimaanyee

Mana iisho mana oodmo
Alla nimuu kalkaalshaa

Ha irdhoobin adiguna
Lama amar darnaadee

Annigana awoodliyo
Ha'iga dhigin aqoon gaab

Inanyahay ilwaad quruxiyo
Dumar amaantii
Waxaad tahay ilaahay
Idil midoo ku kooboo

Eed malihid eed malihid
Sidaanaan arkaayee

Dadna ruux ku aaminayiyo
Wacad ilaahay

Midna lama ilaawee
Midna lama ilaawee
Ha halayn aayaha

Inanyahoow asaagaa
Adna waad usidataa
Waxaa tahay ildoogiyo
Ubax soo abxaayee

Eegmadaada indhahaygu
Alylahee jecleesteen.

Ha irdhoobin adiguna
Lama amar darnaadee

Annigana awoodliyo
Ha'iga dhigin aqoon gaab

Queue is empty
-- / --