Aakhiroy Xaggeed Naga Xigtaa

Inta gabadh xishoodliyo
Nin xariira kugu maqan
Ama geesi kugu xiran
Xaddi way ka badantee
Inaad xaajo adag iyo
Xisaab leeday maqallaye
Xumaan iyo samaantaa
Xaaladay ku noolyiin
Maanu helin xogtoodee
Aakhirow xageed naga xigtaa?

Maalintaa xanuunkiyo
Xaqa mawdku soo galo
Xabaasha iyo iilkaan
Kugu soo xusuustee
Xiddigaha cidhkee sare
Inaad xubin ka mida tahay
Inaad hoos u xulan tahay
Dhulka xero ku leedahay
Maan helin xogtaadee
Aakhiroy xaggeed naga xigtaa?

Exit mobile version