Abidkayba waan jiray
Jab intuu dhacaayee
Waaban joogay dunidani
Wixii uu rag jiitee

Jiilaalku ima karo
Iyo jidiin caddaadkuye
Jiilaalku ima karo
Iyo jidiin caddaadkuye
Ma jilcamo ma jiifsado
Mana jiriiricoodee
Ma jilcamo ma jiifsado
Mana jiriiricoodee

Soo jiidh wanaagaa
Jeenigaa kusoo qaad
Amaba oodda soo jabi
Dhaxan belo u joogee

Jirridaan go'ayninoo
Xidid jiidataan ahe
Jar haddii aad is leedahay
Jidiid ima karaayee

Ajasha eebbe mooyee
Naftan joogsan maysee
Ajasha eebbe mooyee
Naftan joogsan maysee
Ha jidiin caddaanina
Hadal ima jareeyee

Soo jiidh wanaagaa
Jeenigaa kusoo qaad
Amaba oodda soo jabi
Dhaxan belo u joogee

Jeex biraha ka hadhay iyo
Jab finiina baan ahe
Wadnahaygu jilawdiyo
Ma yaqaan juglayntee

Kollay jabaq dugaag tahay
Jid aan raacay kama noqon
Kollay jabaq dugaag tahay
Jid aan raacay kama noqon
Kama joogsan weligay
Halkay laabtu jamatee

Soo jiidh wanaagaa
Jeenigaa kusoo qaaad
Amaba oodda soo jebi
Dhaxan belo u joogee

Dhaxan belo u joogee
Dhaxan belo u joogee

Exit mobile version