VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Adduunyooy - Lyrics

kii ixaman lahaayoow ama xaasidkayoow kaan xalay wanaajiyoow ixumeeyay maantoow murtidaydu waa xubin waa hadal aan soo xalay xanuun iyo dardaaran ah waa xijee dadoow maqal xikmad weeyi heesaydu xifaalaha aduunyada adunyooy xaalkaa ba xisimaha daruurtiyo mar buu xasku hooroo aduunyooy nimco lagu xasuustaa marbaa xaaluf iyo boodh abaar lasku xiiraa dadka xagal wareegayoo xumaadaa xidigaa is doorshaa aduunyooy ninkii xoolo lahaan jiray aduunyooy mar buu xaabka qaataa xigsadaa asaagii xoolahaaga oo negi marbaad xoor kamaashaa xaragada ku lumisaa aduunyooy marbaa xaqin iyo guluf duhurkaa xabaadhaa caydhay lagu xasuustayood xumaataa xirsigay is badelayoo aduunyooy ninkii maali jiray xulad aduunyooy marbuu xayna waayaa xigsadaa asaagii marbaa xil iyo maamuus magaca lagugu xeeraa xariirlagugu daahaa aduunyooy marbaa xuubka bilicdiyo talo lagaa xayuubshaa xurmo beel ahaatayood xumaataa marbuu sharafku xaydnaa ninkii laga xishoon jiray aan cidiba xaalayn ninkii laga xishon jiray aan cidika xadhig xidhim
Queue is empty
-- / --