Mahamed mooge
..
Jidhku wuxuu dubaaxshaa
Damqadaa halbowluhu
Xididu darooraan
Ama dhiiga daadshaa
Afku hadalka daayaaa
Ilini ay da’aysaa
Doqonkaa nasiib lihii
Marka ay kudooheeen
Dirkaa kaa ladaadshee
Kugu celisa daadkeeee
Waxa ay doodi furan tahay
Ruux guul daraantee
Marka aad ku digatee
Xaqu kuu dabree
Alahayoow nin daacada
Alahayoow nin daalina
Deeqdaada haa usimin
…………………………………
Deeqaay wanaageey
Dawo caafimaadeey
Hantidii dalkaygaay
Dhaxalkii dadkaygaay
Dhaxantiyo daroorahaa
Dadab laga galaayeey
Dayax iyo cadceediyo
Dabka lagu hirtaayeey
Duca qabilka xeerlee
Dambarkiyo sareenkee
Diga rogashadaadanaa
Dagdag laygu keenayoo
Aniguba daraadaa
Waaban soo dabaashee
Diga rogashadaadanaa
Dagdag laygu keenayoo
Baldayaay ayaamuhu
Isku daraja maahee
Alahayow nindaacad
Alahayow nin daalina
Deeqdaada haa usimin

lyrics by Cabdi Ismacil

Exit mobile version