Jidhku wuxuu dubaaxshaa Damqadaa halbowluu
Xididadu darooraan Ama dhiiga daadshaan
Afku hadalka daayaa Dibnihiisa haystaa
Doqontaa nasiib lihi Marka ay ku dooxdee
Birta kaala daashee Kugu celiso daabkee
Waxay doodi furantahay Ruux kuu daraan jiray
Marka aad ku digatee Xaqu kuu duleeyee

Alahayow nin daacada Alahayow nin daalina
Deeqdaada haw simin

Iyadoo la degayoo Caradii la duuboo
Degelkii la taagay Dadku caafimaadoo
Rabigay daweeyoo Dambar laga waraabshoo
Dedkii layga qaadoo Dabku ii iftiimay
Indhihii dilaacay Laga furay daboolkoo
Doogiyo barwaaqada Farxad daawanaayee
Bal dayaay ayaamuhu Isku darajo maahee

Alahayow nin daacada Alahayow nin daalina
Deeqdaada haw simin

Deeqaay wanaageey Dawo caafimaadeey
Hantidii dadkaygaay Dhaxalkii dalkaygaay
Dhaxantiyo daruuraha Dadab laga galaayeey
Dayax iyo cadceedeey Dabka lagu hirtaayeey
Duco qabi ka xeeldheer Dabwarkiyo hareegtee
Digarogashadaadana Degdeg laygu keenayoo
Aniguba daraadaa Waan soo dabaashee

Alahayow nin daacada Alahayow nin daalina
Deeqdaada haw simin

Dantu wada jirguud bay Dayac kaga fogaataa
Karti iyo dadaalbaa Gobonimo daryeeshee
Dadku wuxuu ka maalaa Kolba siduu u daajee
Ma dabaal degaygiyo Caawa dadab galkaygaa
Dumarkiyo caruuruu Igu diirsadeenoo
Doogiyo barwaaqada Farxad daawanaayee
Bal dayaay ayaamuhuIsku darajo maahee

Alahayow nin daacada Alahayow nin daalina
Deeqdaada haw simin

Exit mobile version