jirku wuxuu dubaaxshaa
damqadaa halbawluhu
xididadu darooraan
ama dhiiga daadshaan
afku hadalka daayaa
dibnihiisa haystaa
doqonkaa nasiib lihi
marka ay ku dooxdee
birta kaala daashee
kugu cel celiso daabkee
waxayse doodi furan tahay
ruux kuu darnaan jiray
marka aad ku digatee
xaqu kuu duleeyee
alahayow nin daacada
alahayow nin daalin
deeqdaada hawada siin
deeqaay wanaageey
dawo caafimaadeey
hantidii dadkaygaay
dhaxalkii dirkaygaay
dhaxantiyo daruuraha
dadab laga galaayeey
dayaxiyo cadceedeey
dadka lagu hirtaayeey
duco qabe ka xeeldheer
dabarkiyo mareegtee
digo rogoshadaadana
degdeg laygu keenayoo
aniguba daraadaa
wanba soo dabaashee
bal dayay ayaamuhu
isku darajo maahee

Exit mobile version