MAHAMED MOOGE
Babaygii jamaamiyo
Camba jilib kuyaalaay
Ubaxii janadiyo
Jowharaad lamoodyeey
Jidhkaaga udgoonbaa
Isoo jiidanaayee
Jeegaan sideedaad
Wadnahayga jeexdee
Haa i odhanin jawaab qura
Geenyadii jaraysaayi
Mataqaan jikaarkee
Jidiinkaagu raaxada
Mamid jaahil ka ahbaa
……………………………….
Jeertaa gadoodoo
Jirifta iskakicisoo
Ruuxii horjoogsada
Howl yari ku jiidhee
Sida jiir dhalaan heley
Haa ujirabin naftaydee
Waxaan kaaga jeedaa
Jinaw inaan wadaagnee
Qarda jeexa igadaa
Geenyadii jaraysaayi
Mataqaan jikaarkee
Jidiinkaagu raaxada
Mamid jaahil ka ahbaa
………………………………..
Jamaal qurux wanaageey
Jaleecadaan ku eegaba
Jacayl igu abuurmoo
Kaa jeedsan waayeeeee
Xageed iga jiraysayoooo
Jahadeebaad ku noolayd
Jeexaygii midigeeey
Jidka laysma taagee
Jinaweey isoo raaac
Geenyadii jaraysaayi
Mataqaan jikaarkee
Jidiinkaagu raaxad
Mamid jaahil ka ahbaa.

lyrics by Cabdi Ismacil

Exit mobile version