Mooyi waa banaysaa
Wakhtiguba ku ciiryaa
X2

Mooyi anigu waayuhu
Iiga kaa wax sheegyaa
X2

Waakii sagaalaad
Socodkani wanaagay
X2

Een weheshigeeniyo
Kuugu imid waraysiye
X2

Inuu jacaylku waran
Yahay oon cudur ka
Waynayn X2

Waa wali asteeyee
Cabdi qaysba waydii

Mooyi wali yaraydaa
Adigu iska waabisaa
X2

Mooyi aniga waayeel
Nimo iga wareegtaa
X2

Anuun baa samaha
Wada iyo wada jirkene
X2

Waji aan furnayn iyo
Isha igu wareentee
X2

Hadaan talo lawaydayn
Arin kula walaal tahay
X2

Waa wali asteeyee
Cabdi qaysba waydii

Mooyi waanadaydan
Wax ku qadanaysaa
X2

Mooyi taladan waafiga
Waydaaran doontaa
X2

Waayadan ba adigay
Naftan waalalowsan
X2

Igu kaa dulwaabtee
Hedheh ila wareegte
X2

Inuu wacadku kaa
Hadhin uu yahay
Sidii wadhaf
X2

Waa wali asteeyee
Cabdi qays ba waydii

Exit mobile version