1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
Dadka hayska weyneyn
inaad kali wax garad tahay
hayska dhigin walaleey
ruux waadi fidin jiraa
marba laga wareejaa
kii shalay wacnaa baa
maantaba werwerayee
anigaba wakhtiga qaar
sida wali siraataa
warka la iga guri jirey
waxse wiiqey taladii
waydeeyey raganimo
hadba waaga joogaa
la tihiin walaaloo
waji lacagabey dumar
wacad kaba ku iibshaan
Sida wabi qulqulayiyo
waadiga xareed leh
shimbiruhu ka waabtaan
weedhaadii inan yaahay
waa laga wareerayoo
isla weynidaadana
waxa tahay ma sheegtee
wacdaraha adduunkana
waxa laga wereystaa
ruuxii wax garadee
adigoon waaya arag noqon
cirka haysku waabine
nafta waalaneysaa
waano kaama maqashee
hadaad maanta wacan tahay
maku waari doontaa