VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gelbi - Lyrics

Aniguna kumaan gabin Adna iima goyninee Waayahay na gaabshee X2 Hadii guri aad leedahay Oo lagula aqal galay Geel iyo gamaan faras Ayaan kugu galbinayaa X2 Waxaa gola la keenaa Arin aad gor faysayoo Aan gocosha reebinee X2 Way garasho waayeel Hadaan gacan ku siiyee Adna gob iyo caad keed Ayaan kugu galbinayaa X2 Gefna maad samaynine Calaf kumbaa halkaa Galay aad galabta taalee X2 Ubad kuu gar gaaraan Aroos kaaga geeyoo Duco aan gaboobayn Ayaan kugu galbinayaa X2 Doqon baan gu' iyo dayr Kala garan miday tahoo Hadba dhinac uguurtee X2 Kalgacaylka guunkii Inuu gaaxda mooyee Sidaa kuma gaboobee X2 Aniguna gadaal dhalad Kuma garab dhigaayoo Iilama gud boonide X2 Gelbis iyo go' iyo shaal Hidaheena gaarka ah Ubax gun iyo baar baxay Ayaan kugu galbinayaa X2 Duco aan gaboobayn Ayaan kugu galbinayaa Ana gob iyo caad keed Ayaan kugu galbinayaa Geel iyo gamaan faras Ayaan kugu galbinayaa Farxad aan gaboobayn Ayaan kugu galbinayaa
Queue is empty
-- / --