VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gudcur aan cadoo jirin - Lyrics

gudcur aan cadaba jirin indhahaa cadceedoo cidlo kaaga weheloo cabsi kaa kaxeeyoo bahal kaala cararee labada caynaan hadii caad ku xidhanyay cudud iyo lacaad kale ilayn laguma ciil baxo caafimaad ma ciidmaan culays kaama qaadaan ruuxii curyaan ahi carabkiyo ishaarada kuma caafimaadee hadaan ceebta igu taal ama cudurka aan qabo curuuqdiyo dhaayaha cilmi lagu dawaynayn cadka la iga jeexiyo casiir la iiga marinayn badhi la i cabsiiyiyo cashar muxuu i tarayaa cirkaan hoorimaadiyo curashada daruuraha calcashada xareedaha isa soo cidhiidhiyiyo dhulkan wada cagaarka cosob gaadhi karayn caleentiyo barwaaqada dhalin lala caweeyiyo heesiyo cayaaraha hadaan calafba ii galin miyuu ii cuntamayaa
Queue is empty
-- / --