Heesta Ha didin hana iga dagaalin - Lyrics
Adigoo daar adag
Dhisay baa ilaahay
Kaa dunshaa X2
Danayso adoo lahaa
Marbaad dacar qoosh-
Ataayoo dhunkaal ku
Duur duurataa X2
Intay deeqdii eebe
Maqan tahay X2
Ha diidin hana iga
Dagaalin dubkaa
Iigu yaalee wadnahan
Damqashada kadaa
X2
Maxa deercad geel
Halaaboo dib jiray
Uu cunay dugaagoo
Ninkii lahaa daydaya
X2
Maxay dantu ciishay
Wiiloo dulqaad iyo
Deeq lahaayoo dad
Kuna doqon modayan
X2
Wakhtigu ways daba
Socdaa adigo daganaa
Abaar X2
Marbu dirir ku da'aayoo
Daruuruhu kuu curtanoo
Xareed ku dabaalataa
X2
Intay deeqdii eebe
Maqan tahay X2
Ha diidin hana iga
Dagaalin dubkaa
Iigu yaalee ax ax
Wadnahan dam
Qashada kadaa
X2
Habeenka oo dam
Yiriyoo gud curku
Daahiisa rogayoo
Dabayluhu foodh
Yayaan X2
Halkii adi kuu darayd
Ilaah waa kaa duwayoo
Dibaad uga joogsataa
X2
Adigoo doorijaada iyo
Dareemada jiidhi laa
X2
Marbuu dayax soo
Baxaayoo abeesada
Duuban iyo daluunta
Ka weecataa X2
Intay doqon nimadaa
Tahay X2
Ha diidin waaloo
Dadaalaa nacas
Umbaa damqanayee
Wadnahayga dam
Qashada ka daa X2