Hami iyo jacayl hawl iyo dhib sida waanu haadiyoo
Habeen iyo dharaar hurdo iyo anfaco labada ka hadhay
Waa hordhace murtidu waa hawraarti yaanay kaa marin hareer
Jeerood i hor timaad oo hasaawe iyo hadal ina dhexmaro
Dawoow inaan ladayn maanad hore u maqal
Jeerood i hor timaad oo aad hadal macaan heedhe igu tidhaa
Dawoow inaan ladayn maanad hore u maqal

Ruux kuu hanwayn kuu heelan adi ood u tahay hogaan
Hanfi iyo dabayl halas iyo kulayl iyo holoc aan damin
Waa hordhace murtidu hanti hawga dhigin hana u dhuganin hoos
Jeerood i hor timaad oo hasaawe iyo hadal ina dhexmaro
Dawoow inaan ladayn maanad hore u maqal
Jeerood i hor timaad oo aad hadal macaan heedhe igu tidhaa
Dawoow inaan ladayn maanad hore u maqal

Himilada u wacan samo iyo hagaag ama waxa haboon
Ruuxa inuu hirgaloh ilaa heerar sare intaa ku hindisoo
Waa hordhace murtidu yaan la hakinoo yaan dib loola hadhin
Jeerood i hor timaad oo hasaawe iyo hadal ina dhexmaro
Dawoow inaan ladayn maanad hore u maqal
Jeerood i hor timaad oo aad hadal macaan heedhe igu tidhaa
Dawoow inaan ladayn maanad hore u maqal

lyrics by: hs khaliif

Exit mobile version