VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Jirab mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mohamed Mooge
Jirab

jooflaha libaaxiyo
jaandheerta doobkiyo
waayeelka jaqafsada
jiridaha habeenkii
wixii jidha waagaa
jeenigu xanuunaa
alaylehe jacaylkii
jid iyo ceel umaad bixin
anigana ka joog iyo
haku jabin imaad odhan
waxbase jeerba yaan hiban
jirabkan aad i marisaye
ilaahii joogay baa jira
wadiiqada jirjiirsani
jid san bayku geysaa
ama jar iyo buur dheer
khalqigana badh baa jira
intay ku hore jalwaysataan
waaqla kugu jarwaliyee
alaylehe sidii jabi
dhalini isku jiidheen
wacadkii ni jeexnaa
adiguna baa ku joogsaday
ifka waxaad la joogtaa
janaduu ku geeyaa
amse naarta jahanaba
jacaylkuna sidoo kale
amase laamo kula jaba
ana jamashadii iyo
jololodadii sida rimayda
da jiilaal da jiilaal
jalwis baaban ka qaadee

codkii Mohamed Mooge