VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Saxarla - Lyrics

Ku Sinnaan Dharaartii La Sargooyey Dunidee Rabbigay Sameeyee Cirka Sare U Taagee Xiddigahan Siraatiyo ******* Lagu Sudhay Cadceeddee Sagalkiyo Daruurtiyo Lagu Xidhay Sitaacee Dhulka Gogol La Seexdiyo Sabo Lagu Nagaadiyo Laga Dhigay Sin-Dadabkii Buuraha La Saaree Dhirta Samayda Ciiddiyo Salka Loogu Joojee Saddex Laab Bad Iyo Webi Lagu Yidhi Sabbeeyee Dabadeed La Sahanshay Qofba Meel La Siiyee Saldhigeedu Qaybaha Cidi Uma Sinnaynoo Dadku Ruux Sabooloo Saranseer Ku Raagiyo Guryo Samu Nin Yaalloo Sidka Dhalay Ku Haystoo Helay Seer-Ma-Weydiyo Laba Kala Sad Roon Baa Subax Noolba Joogee Waan Soo Socdaa Kowdhe Waxna Waan Sidaa Labadhe Samir Yeelo Weligaa Saxarlaay Ha Fududaan Sal-Fudaydku Xaawuu Janadii Ka Saaree Ruux Aad Sugaysoo Maqan Waa La Sahadshaa Sahan Waa La Dhowraa Ha Sahwiyin Ha Selelin Salka Dhaban Ha Noqonin Ha Saluugin Qaybaha Qalinbaa Saxeexee. Waxan Saatir Kuu Qorin Ha U Suul Dhabaalayn Kala Saar Run Iyo Been Kala Garo Sir Iyo Caad In Salaaddu Weligeed Kala Tahay Sunniyo Faral Uogow Sax Iyo Maan Inaad Saamo Jiiddiyo Sanqadh Tirasho Kala Daa Naf Jacayl Sawaabayoo Sanka Kuu Dalooshoo Kuu Sudhay Hoggaan Baad Usiddaa Maqaarkee Ha Ku Daba Saqlaysee Haw Gaabin Seetada Sogsogtiyo Cadaaddiyo Ha Ku Saydhin Laamaha Waan Soo Socdaa Kowdhe Waxna Waan Sidaa Labadhe Samir Yeelo Weligaa Saxarlaay Ha Fududaan
Queue is empty
-- / --