waxaan tagay shabcaantii
markii aad shib iga tidhi
shalay waataad idiidee
shaydaanka raacdee

aniguna shabeelkiyo
shaahlaha libaax iyo
bahalaha shuraaka.a
ushakaalan caashaqa
la shufbeelay hawlaha

buurta shiishka dhaxa laheey
kayn shareersn weheshadayeey
shashafaa la ii rogay
shanta faaliyee jira
habraha saarka sheeda
kuwa shaxa la ii keen

shaf shaf fooda lays galiyeey
inta ay shirbeeyeeneey
shadaabaa khad laga dhigay
shini dhiigeed lagu daray
xabag kadina lagu shubay
raran iyo dab lagu shiday

ma sharaxay qardhaastii
sheekhii gacantavii gali
wixii shiin malagu qoray
ma shirabin qardhaastii

dhul shishaan god uga qoday
wan shidayso lay yidhi
shifo cashar la iisii
shurubahaba maan galin

LYrics by: Abdirashii Idiris Ali

Exit mobile version