VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta waan soo socdaa kowdhe v1 - Lyrics

ku sinaan dharaartii la sargooyey dunidee Rabigay sameeyee cirka sare u taagee xiddigaha siraatiyo dayax suudi meeriyo lagu sugay cadceeddee sagalkiyo daruurtiyo lagu xidhay sitaacee Dhulka gogol laseexdiyo sabo lagu negaadiyo laga dhigay sindadabkee buuraha la saaree. Dhirta samayda ciidiyo salka loogu joojee saddexlaab badiyo webi lagu yidhi sabbeeyee Dabadeed la saanyee qofba meel la siiyee saldhigeedu qaydnaa cidi uma sinnaynoo dadku ruux sabooloo saranseer ku raagiyo guryosamo nin yaalloo sidka dhalay ku haystoo heley seermawaydiyo laba kala sadroonbaa subax noolba joogee waan soo socdaa kowdhe waxna waan sidaa labo dheh samir yeelo weligaa Saxarlaay ha fududaan salfudaydku Xaawuu jannadii ka saaree ruuxaad sugaysoo maqan waa la saadshaa sahan waa la dhowraa. ha sahwiyin ha salelin sarka-dhaban ha noqonine ha saluugin qaybaha qalinbaa saxeexee Waxaan aatir kuu qorin ha u suul-dhabaalayn. Kala saar run iyo been kala garo sir iyo caad In salaadu weligeed kala tahay sunniyo faral u ogow saxiyo maan inaad saamo jiiddiyo sanqadhtirasho kala daa naf jacayl sawaabayoo sanka kuu dalooshoo kuu sudhay hoggaan baad u siddaa maqaarkee haku dabo saqlaysee ha u gaabin seetada sogsogtiyo cadaaddiyo ha ku saydhin laamaha waan soo socdaa kowdhe waxna waan sidaa labo dheh samir yeelo weligaa saxarlaay ha fududaan
Queue is empty
-- / --