VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Waxa dhacay abaara maxamed kaban mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Mohamed Mooge
Waxa dhacay abaara maxamed kaban

Maxamed mooge
Waxa dhacay abaaraha

:

Waxa dhacay abaaraha,

Oonkay-yo waayaha,

Aheey waxysla mudateen,

Ololihii laguu diray,

Dhexdii kuu adkeydiyo,

Orodkaagii hawlaha,

Miyi adoon horaw arag,

Markaad aadday gabadh yahay,

Aarkiyo maroodiga,

Ay waxaad ku kulanteen,

Aheey markaan xasuustaba,

Uurkay werweri jiray,

Aduunbay-gu beernaa,

Adduunyada dhammaanteed!

Magool:

Hablo aan ragga aqoon,

Orodka iyo booddada,

Oo ila asaagoo,

Reer magaalka ugaxiyo,

U yaqaanna dhoobada,

Kolkii uu Allay baday,

Marjo way asqawdaa,

Intaan timaha soohdoo,

Dhexda aan adkaystaan,

Arrimihii ka soo baxay,

Adigiyo jacaylkana,

Idinmaan illaawine,

Intaa waydin tabi jiray,

Ee ha moodin kelidaa,

Anbaa kula mid baan ahay,

Maxamed Mooge:

Anba waan ogsoonahay,

Hablo ugub sidaadee,

Miyi lagu asteeyee,

U adeega reeraha,

Ragga inay is-celiyaan,

Orodkay-yo hawshee,

Baga! inaanad uga dhicin,

Marwo laguma iishee,

Waa lagu ammaanaye,

Cidi kuguma soo orin!

Ayaamaheenni hore iyo,

Sidaad ii Ahaydiyo,

Irridihii kal-gacalkaba,

Aheey markaan xasuustaba,

Hiyigay irdhayn jiray,

Maankay olkami jiray,

Magool:

Sida dhiraha oogada,

Ay xididdo aasani,

Ilo uga waraabshaan,

Ayaan huba kal-gacallada,

Anigoo aqoon u leh,

Inuu yahay wax igu weyn,

Iyo amaano igu culus,

Aan aqoonta garashada,

U ilaalinaayee,

Adigiyo jacalkana,

Idinmaan illaabine,

Intaa waydin tebi jiray,

Ee ha moodin keligaa
Amba kula midbaan ahay

codkii Mohamed Mooge