VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hinaaso - Lyrics

Qawl baxay la moodyeey Xubnahaaga qoran iyo Labadaada qaarbaan Qalbigaygu raacee Anigoo qab waynoo Quudhsada haweenka Qoraxyahay gudaysaa Maankayga qaadee Qawlka aan la yeedhaba Diintiyo quraankiyo Quruxdaada mooyee Qofna kuma amaanee Tuhuniyo qilaaf iyo Qaxarbuu dhalaayoo Bal qabsoo hinaasaha Waa laguu qafiifaa
Queue is empty
-- / --