VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Mahee qadraay - Lyrics

Giriig
inan kula qabtoo
kula qayr ahoo
aanan quudhsaneyn
inaad quudhsataa
waa qiil jabee
maheey qadraay
qiimiga kalgacal
ee quruxda badan
maad ila qorsheyn

Zahra Ahmed
labadii qofee
isu qurux badneyd
ee kala qabweyn
inay wada qabtaan
waa qiil jabee
inanyow qaldan
qiimiga kal gacal
la iskuma qasbee
hubka iga dulqaad

Giriig
waa waxa qab dumar
qeys iyo cilmiba
qudhu uga baxdee
anigana qabriga
adigey ii qodee
maheey qadraay
qiimiga kalgacal
ee quruxda badan
maad ila qorsheyn

Sahra Ahmed
buuraha qotoma
ee qarada weyn
adigoo qabow
cidibaad ku qodi
qoodeysatayee
inanyow qaldan
qiimiga kal gacal
la iskuma qasbee
hubka iga dulqaad

Giriig
sida qaalin nirig
laga qariyeybaa
kuu qawdhamaa
qorax soo baxdiyo
qawlkoo kalaa
maheey qadraay
qiimiga kalgacal
ee quruxda badan
maad ila qorsheyn

Sahra Ahmed

wanan lama qashoo
sirta lama qarshee
anigaba qalbiga
qoonta igu taal
aan kuu qiree
inanyow qumani
qiimiga kalgacal
aan qeybsanee
dhinacaaga qabo.

Queue is empty
-- / --