ALLOW yaa habeen qudha
uurkayga qala oo
qudha oon la iga jarin
quruumaha ku nool
ku yidhaa garta u qaad

taladaan qandhoodee
aan qawda ku hayaa
qotadeedu dheeraa
insh ALLAH waan qaban

qalanjooy inana dee
hadii la isu keen qoray
oo aan qob isu leenay
waan isla qosli doonaa
adna taa qiraha gali

aduunyada qorshaa jira
iyo qaabab waawayn
qaro oodanbaa badan
qaxariyo dhibaatana
intaa way is dhex qaadaan

qoondeeyay sheekadu
waan qarin doonaa
qarqarsiga ku jiidoo
hawlaha ma qabanaa

Exit mobile version