VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qaran jab - Lyrics

Xalaybaan darwaamoo Naftu ay qumbacatee Qeylada bal daayoo Marwo qaaliyaa tahee Gacalo quraacda ii keen Marwo qaaliyaa tahee Gacalo quraacda ii keen Qadka waan ku qaatiyo Qaadiradan baas iyo Qoomamada daayoo Qurbuxaaga ma ogiye Qodqontaada ila dhaaf Qurbuxaaga ma ogiye Qodqontaada ila dhaaf 2x Sow qaran jabkii Soomaali qubay Ima qiimo ridin Ima quudisidee Qaatoo biyaha oo Qolqolkayga ii dhaaf 2x Wax ku qaatey hadal Loo qiil daayinee Qoontii jabtayee Qabo inanka oo U qubee ilmaha Qabo inanka oo U qubee ilmaha Qiiro beenebaad La qumbacatayoo Waad qandhaysantahee Orodoo qorqori Qoryahaagii baas Orodoo qorqori Qoryahaagii baas 2x Naftaad liic danjaanee Kolaab ani ku siisaa Qoodh is moodaysaa Adigoo qadhaadhoon Qardo jeexin qarankaas Qaran doono wiiloow 2x
Queue is empty
-- / --