VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ruqiyo - Lyrics

Raaxada aduunyadu Ani wayga raagtoo Rafaadban ku noolahay 2x Dadku ima rumaystaan Raran aan i haynbaan Cagacayga ka rogayaaa Roob aan da'ayn ban Cirka aan ka raadshaa Dadka qaar imaanban Sacabada uruxayaaa Waxan layla rabinban Hadba daba rucleeyaa Sida ruux digtoon Rugadii go'doon Garab saranban Reeryaysanaayee Ray badan aduunyooy Ina raama badanleey Laba ruux walaalaa Hadba kii siiqa roon Maxadu daba ruclaysa Hadba rundo iyo reer Dibna ugu garaacdaa Dhankalana u togataa Hoga ugu aastaa Naxdin ugu rashaysaa Raciif mawgu reebtaa Hadal iyo runtii Ama soo ruclee Ama iga rogoo Iska raali noqoo Rafi iigu sheeg 2x Ruqiyey walaleey Rati buuba oo raran 2x Hadii aan rag kuka wadin Geelu ridaye ma ogtahay 2x
Queue is empty
-- / --