VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhool - Lyrics

Maxaa dayr cad geel halaaboo Dibjiray oo cunay dugaagoo Ninkii lahaa daydayaa Maxay dantu ciishay wiiloo Dulqaad iyo deeq lahaayoo Dadkuna doqon moodayaan 2× Wakhtigu waa is daba socdaa Adigoo daganaa abaar Marbuu dirir kuu da,aayoo Abeesada kuu fadhida iyo Daruurtaad ka weecaata Intay deeqda eebe maqantay Intay intay deeqda eebe maqantay Ha dilin hana iga dagaalin Hirkaa igu yaalee Wadnahayga damqashada ka daa Wadnahayga damqashada ka daa Habeenkaa oo dam yidhiyoo Qudcurka daahiisa rogayoo Dabayluhu foodhyayaan halkii adi kuu darayd Illaah waa kaa duwaayoo Dibaad uga joogsataa 2× Adigu door jooga iyo Dareemada jiidhi lahaa Marbuu dayax soo baxaayoo Abeesada ku fadhida iyo daruurtaad ka weecataa Dhuux intuu madaw yahay Dhuux dhuux intuu madaw yahay Hadii aana iga dagaalin Hirkaa igu yaalee Wadnahayga damqashada ka daa Wadnahayga damqashada ka daa
Queue is empty
-- / --