Heesta Siman - Lyrics
simaneey sidaadaba raga lama
sagsaagoo si yar looma eegee
waa sayiga dumarkuyee
ku sal dhigaan haweenkuba
sahal maaha caashaqu
waa seef qarsoonoo
seedaha ku goysoo
sabab aad u noqota
sahankaad u guurtana
haday kula sawacan tahay
samri waayay aniguye
aduunbaan ku sugaya
simaneey waxaad tahay
naf igu dhex nooloo
sadrigayga ku dhigan
si wayn iigu dhiganoo
aan u samraayee
saadaasha rabiyo
madaqada la sugaybaan
kuu saalinaayo wali ku sugayaa