VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Badweeye suugaanta - Lyrics

bad weeyaan suugaantuye hara biyalee weeyaan qofba halkii uu bogo kaga oon baxaayee ana halkay iiga beegnayn kalamaan bakhayline intaan weel ka buuxshaan booga hoo ku leeyahay adna baabacada tuur ila bood ciyaartoo batar aynu dheelnee mashxarad iigu sii baaq barasha maaha maansadu hiba eebe bixiyoo hido boqole soo jiray lama bawsan karayee waa dhanbaalka baaqiyo farxad la is bariidiyo intan buur u mudanbaan bushra eeg ku leeyahay
Queue is empty
-- / --