laba gugan kal gacal garka hoose
baryogaa da dood ku gardaadshay

goor iyo ayaan laba goobay
bal inay gam aan guri raaxo

gol barwaaqo iyo goob raysle
nimca gees kastaba u galdhiidhay

caashaqan gudhayn godol maal
ma gudoonsateen galad eebee

gob is dooratoo is gar gaara
labadii gayaan guur maagay
galis gaari iyo gacalkeedow
gaaf iyo aroos gala caawa

lamaanihii gayigani guudkiisa
jacayl uu gubee mar guhaadshay

baryo golon golkiyo gocashada
lamaanihii gabee socod gaabshay

waji galaclihiyo farxad gaara
xiise aan gaboobin ma u gudbeen
by masuul.com

Exit mobile version