VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Haasaawe - Lyrics

haasawaheenii inanyahay hilmaantoo ana hibashadiisii hurdo seexan waayee hadal haan ma buuxshee inanyahaw ma gayo iga daa halawsiga hoos u daadag sheekada in jacaylku halis yahay hami iyo dareen yahay ana aan ku haybshoo kuu han waynahay ma ogtahay kuma hawl yaraysane haybadiyo quruxdiyo inta loo hiloobaa hibo aad ku leedahay kuma hawl yaraysane haybadiyo quruxdiyo inta loo hiloobaad hibo aad ku leedahay waxba ha ii hirwaynine hadaad himilo leedahay hadalkuna dhab kaa yahay hilin loo maraa jira hilaadayda weeyee ii hiili geedkiyo markay tahay hubsiimada oo aan garab kaa helo hidaheenu waa gobe kaa hiilin maayee anoon haynba kugu xidhin adiguna haldoor noqo
Queue is empty
-- / --