Heesta Hanaan - Lyrics
Sidii hobol da'ay
Hilaac biyo dhigay
Ka helay waan hubaayee
Hanaan qurux haybadaadiyee
Hasaawiyo hidaheeni
Middii aan halayn habeen qudha'ee
Habada sida halalay
Hadi iyo shimbruhu
Hadaysan kala harin
Habeen iyo maalin
Hadaan laga helin
Ayada waa hodan
Dadkuba kawada helo
Qofaan biyo helin
Haraad kama baxo
heeelalalee heelalee heelalaayoo
Heeladu heeladayna waaye
?
Qofkii hadlayaba ha iska hadlee
heeelalalee heelalee heelalaayoo
Habeen Hogol da'ay
Halkii layga helay
Miyaad hubiseen
Waan habaabayee
Hurdada hamigeed mahaysaanee
Habaabayee waan hiloobay
Halkii aan hiigsaday ma heesaanee
Hawadaan sidan uqalalay
Hadi iyo shimbruhu
Hadaysan kala harin
Habeen iyo maalin
Hadaan laga helin
Ayada waa hodan
Dadkuba kawada helo
Qofaan biyo helin
Haraad kama baxo