VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Marwo gob ah - Lyrics

caashaqa muuqdee ruuxdiyo laabta miranaaya maanka maaxday iyo muxubiyo qalbiga muhanaaya maqalkiyo waa dareen ka dhashay milicsigaagiiye malabkiyo adaa iiga macaan midhihii sooreede maamuuska adigaa u qalma milgaha nololee adiguu marwo gob ihiyo muhiim MAWLE kaa dhigaye naftaydan jacaylku malmalayee muhasho reemaysa waxay dadku iigu mashquulaan waa iga maan dadane ha ii maqlin macaaneey adaa maanka qaabilaye dareenka magaabee xiskiyo laabta mayracaaya aan ka maagaayee midkalaba midigta saaraynin maashee waxaad ku mulkiday ma hadho weeyaane marnaba ani ma koobi karo meqaamka aad leedahaye ma jaraha dhaqankiyo hidahaad miciin aad u tahaye karti muujinta iyo xishoodkaan kugu majiirtaaye
Queue is empty
-- / --