VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Saabiriin - Lyrics

Halka laga ladnaadiyo Bogiyo sow ma tihid laabta Barta laga dhaqaaqiyo Lugtiyo sow matihid lawga Lafta dhabarka haysiyo Yartaay sow ma tihid Saabiriin sow matihid Kuwa laliya dhiigee Dhuftiyo sow matihid liiqa Tiirka nolosha lagu soo hirtiyo Sow ma tihid layli Libintayda noloshiyo Janiyo sow ma tihid laasim Waxaad ii tahay libtaydee Dhibtiyo ciilka iga leeci Hana lurin kalsoonida Laciif wuu ku lumiyaa Lahashada qalbiga jiifta iyo Sow ma tihid luulka Naf naftayda lagu beeray iyo Sow ma tihid laanta Laydha nuurka fidisiyo Shamsiyo sow ma tihid Laxaadkayga aragiyo Indhiyo sow ma tihid laaca Hedu tay la haysee u luran Maalin iyo laylba
Queue is empty
-- / --