Anaa nabdigiyo kashaydaa
Runtii niyad sami ku siiyay
Anaa naafada ka dhawra
Nidarkii waa hore dhexdeennaa

Anaa nuurkiisa doona
Inuu naaquso ka dhawra
Cishqiga nabdigiyo ku beermay
Dhuumaha neefsiga u keedsha

Anaa nabaro jacaylkiyo
Nitaaqo inaanay gaarin
Anay ii tahay nasteexoo
Anay ii tahay nasteexoo
Anay ii tahay nasteexoo
Anay ii tahay nasteexoo

Anaa nolashaada doona
Naftayda anaa ku siiyay
Anaa niyaddiyo kashaada
Nagayni gabashadooda

Anaa nolol qaybsigaa
U ahaysta dhabtii naruuro
Nasiibku inuu samaado
Kalgacalku nibcaysto doona
Kalgacalku nibcaysto doona
Kalgacalku nibcaysto doona
Kalgacalku nibcaysto doona

Anaa nabaro jacaylkiyo
Nitaaqo inaanay gaarin
Anay ii tahay nasteexoo
Anay ii tahay nasteexoo
Anay ii tahay nasteexoo
Anay ii tahay nasteexoo

Exit mobile version