VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Cajabeey - Lyrics

cajabeey cajiibeey cawo iyo ayaaney caqligaad xadaysa sida geed ceelbuur caro hodan ku yaaloo cokonoo irmanoo dusha sare ka caynoo oo baal casuuslihi laama cuslaysoo ubaxuuna tin iyo cidhib kaga dhigay casaanoo dusha sare caleentii cidhifka isla gaadhaa biyo wada cabteenoo hadaan la i cadaabayn rabi igu cadhoonayn dadku inuu ku caabudo madawgiyo cadaankuba ku caleemo saaraan saw kuma canaanteen cad waxaad wadaagtaan dhulka oo cagaarloo cosobkii is gaadhoo cagta meel la saaroon la cuskado lahaynoo fiid cawl horaadkii cirka oo daruurihii ku dhigeen cirjjiidaad dayaxiyo cadceeeduna cidhifyada ka joogaan sagal caasha saaraan biyo wada cabteenoo hadaan lay cadaabayn rabi ii cadhoonayn dadku inuu ku caawiyo madawgiyo cadaankuba ku caleemo saaraan saw kuma canaanteen
Queue is empty
-- / --