cajabeey cajiibeey
cawo iyo ayaaney
caqligaad xadaysa
sida geed ceelbuur
caro hodan ku yaaloo
cokonoo irmanoo
dusha sare ka caynoo
oo baal casuuslihi
laama cuslaysoo
ubaxuuna tin iyo cidhib
kaga dhigay casaanoo
dusha sare caleentii
cidhifka isla gaadhaa
biyo wada cabteenoo
hadaan la i cadaabayn
rabi igu cadhoonayn
dadku inuu ku caabudo
madawgiyo cadaankuba
ku caleemo saaraan
saw kuma canaanteen
cad waxaad wadaagtaan
dhulka oo cagaarloo
cosobkii is gaadhoo
cagta meel la saaroon
la cuskado lahaynoo
fiid cawl horaadkii
cirka oo daruurihii
ku dhigeen cirjjiidaad
dayaxiyo cadceeeduna
cidhifyada ka joogaan
sagal caasha saaraan
biyo wada cabteenoo
hadaan lay cadaabayn
rabi ii cadhoonayn
dadku inuu ku caawiyo
madawgiyo cadaankuba
ku caleemo saaraan
saw kuma canaanteen

Exit mobile version