Heesta Faalo - Lyrics
falaadhaha cadceedoo
fad galbeed ku dhacaay
dayaxuu ka faagtoo
daruuraha la faqayaa
xidig nuur ku faantiyo
jeegaan midabo fidisaay
fiidcawlka moodii
dhulka qurux ku fayday
foorihii kalgacalkiyo
caashaqii iguud furay
ila fakay jacaylkii
faalo aleh sidaan ahay
ubax dayr falkamayoo
faraqyada la baxayee
firidiyo udgoonkiyo
markuu faxalka bixiyaay
fiig ugbaad ku yaaloo
ligan doog ka fiilmaay
faras geesi leeyihiyo
sange fule ka tuuraay
foorihii kalgacalkiyo
caashaqii iguud furay
ila fakay jacylkii
faalo maleh sidaan ahay