maxaan qobtaalkiyo kabaalka
kalgacayl quwadloo i saartay
intaan heeryada u qaaday
dad la qalooday waayo
maxaan anigoo qandhaysan
intay qaras igu milaalan
kashiyo laabtayda qaaday
hurdiyo qaban wayay jiifka
hadaan qalbigayga jeexo
dabadeedno qaloon bu,diisa
intoon kolba qayb baneeyo
bartaad ku qornayd ku geeyo
malaha ku qaboobi maysid

maxaan qamandhaco i heertay
intoon qabatimay ayaamo
qamuunyo iiyo ciil i hasyta
kor iyo hoos kuugu qeexay
maxay qolqolkiyo ardaaga
intuu xiisuhu ku qoolay
nafaan kaa quusanaynin
qalqaalisa ulashadaada
hadaan qalbigayga jeexo
dabadeedno qaloon bu,diisa
intoon kolba qayb baneeyo
bartaad ku qornayd ku geeyo
malaha ku qaboobi maysid

Exit mobile version