cawo iyo ayaan
calaf iyo nasiib
caashaqeenu noqay
cirka roob ka da,ay
cosob iyo ugbaad
yaad la caynad tahay
cadceed dhalaayeey
canabeey hablaha
adaan kaa calmaday

camal fiicnidyo
ceblaay dadnimaan
kugu caashaqee
carfi iyo udgoon
caro hodan ka baxay
yaad la caynad tahay
cadceed dhalaayeey
canabeey hablaha
adaan kaa calmaday

Exit mobile version