adaa daymo aragtida
indhuhu ay ku doonaan
qalbigana ku daabacan
naftuna ku dayn karayn
anoo dakharka caashaqu
dushayda ka muuqdoo
darta laygu dawgalay
kolna diiday hay odhan
caashaqa ha daranyeeyn
ha u dilin cadaawaha
dawadii naftaydaay
daji meel ciidoo

nimuu dagay jacayloo
dabin adag ku xidhanyahay
oon kaaba durki karayn
haku diganine daawee
inta dunida joogtiyo
kaa doortaay dumare
sida dayaxa nuurayaa
duntu iigu kaa xidhan
caashaqa ha daranyeeyn
ha u dilin cadaawaha
dawadii naftaydaay
daji meel ciidoo

Exit mobile version