hoodaay cashaqan i helay
i helay igu habsaday
halkaad jogtidbuu i yidhi
hiyiga waligaa ku hay
marbuu i horkeenayaa
adoo dhaqankii huwada
hanaan iyo bilic lahoo
waliba qurux haybad wacan
dabaylaha ii hanjaba
hilaac roobaa i mara
markaan haatuf kuula baxo
si aan dadku hadaladu
sheekada aan kuu hayiyo
u maqal heestiyo murtida

ogoow inaad hoodo tahay
hadhkaygii ila socda iyo
hilbaha oogada iyo
indhaha nuurkee i haga
adaa hoodaay arliga
asluub qurux iyo haanaan
hablaha ugu wada sitoo
qalbigu wuu kaa helaa
dabaylaha ii hanjaba
hilaac roobaa i mara
markaan haatuf kuula baxo
si aan dadku hadaladu
sheekada aan kuu hayiyo
u maqal heestiyo murtida

Exit mobile version