waxuunbay qasaayoo
ma qumana naftaydani
qacda hore isheedaan
qubayaa ilmada
sida ruux qaloodaa
adiguna is qarisaaye
qalbigaagu adagaa
ma qalfoofka diinkaa
naftuu way qaribanto
ruux qoofan baan ahee
qabrigiyo intaan
lay qiyaasin iilkay
ma i qaabilaysaa

qalbigayga adigaa
qabsadoo wadnaha dagay
qandho iyo xanuun baan
ku arkaa ka qaadaa
sidaad ii qilaaftiyo
qiirada jacaylkaan
wali qoomameeyaa
ku qarwaa habeenkii
wali qoomameeyaa
naftuu way qaribanto
ruux qoofan baan ahee
qabrigiyo intaan
lay qiyaasin iilkay
ma i qaabilaysaa

Exit mobile version